717 Views

Hay’adda caafimaadka adduunka WHO, oo sheegtay in cudurka coronavirus ee ku fiday bani’aadamka

Hay’adda caafimaadka adduunka  WHO, oo  sheegtay in cudurka coronavirus ee ku fiday bani’aadamka
____________________________________________________________________________

Arbaco  10/2/2021

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in cudurka coronavirus ee ku fiday bani’aadamka uu ka soo farcamay sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha.

Gunaanudka ayaa waxaa sameeyay koox ka socota WHO oo booqasho ku tagay Wuhan, oo ah magaalo ku taalla dalka Shiinaha, halkaas oo markii ugu horreysay laga helay feyraska.

Kooxda ka socota hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ee ku sugan magaalada Wuhan, ayaa booqasho ku tagay suuqyada, iyagoo baaritaano ku sameeyay machadyada iyo isbitaallada ku yaalla halkaas. Waxay rumeysan yihiin in feyrsaska uu asalkiisa ka yimid xoolaha, kahor inta uu ku fidin bani’aadamka, balse weli ma hubaan sida ay ku dhacday.

Waxaa jiray eedeymo aan sal iyo raad lahayn oo sheegaya in cudurka safmarka ah lagu abuuray cilmibaaris ka dhacday sheybaar ku yaalla shiinaha.

Howlgalka WHO ayaa bilowday bishii Jannaayo, kadib wadahadallo bilooyin qaatay oo ay xukuumadda Beijing la galeen. Booqashada khubarada ayaana waxaa si dhow ula socday mas’uuliyiinta Shiinaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post