1104 Views

Duqa Muqdisho oo faray Waaxaha Maamulka Gobolka Banaadir xaqiijinta horumarka iyo bilicda Caasimadda

Duqa Muqdisho oo faray Waaxaha Maamulka Gobolka Banaadir xaqiijinta horumarka iyo bilicda Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29, May 2019 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa faray Waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee maanta qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey.

“Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.”

Eng.Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyeha Yarisow, Kuxigeennadiisa iyo Hawlwadeennada Gobolk ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Waddooyin halboowle u ah isu socodka Caasimadda, naleynta iyo dardar gelinta Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment