525 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xalay la Kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad xasan

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xalay  la Kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad xasan
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post