1317 Views

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu kala qeybinaayo ciidanka xoogga

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu kala qeybinaayo ciidanka xoogga
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 17da Maarso, 2021
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha uu dhamaaday muddo xileedkiisa in uu bilaabay in uu kala qeybiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo in uu Muqdisho kusoo reebo ciidanka taabacsan oo kaliyah halka ciidanka aan taageersaneyn ee ogol Sharcga uu amray in Muqdisho laga saaro oo la geeyo furumaha dagaalka.

Waxaa uu ku eedeeyay in howshaas ay fulinayaan taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo taliyaha ciidanka lugta.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan” ayuu yiri hogaamiye Cabdiraxmaan.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka, Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post