444 Views

Kabtanka xulka waddanka Portugal Cristiano Ronaldo oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Al Nassr ee Sacuudi Carabiya

Kabtanka xulka waddanka Portugal Cristiano Ronaldo oo si rasmi ah ugu biiray kooxda  Al Nassr ee Sacuudi Carabiya
____________________________________________________________________________

Sabti: December 31  2022 

Kabtanka xulka waddanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr, isaga oo la gaaray heshiis laba sano iyo bar ah, sida ay kooxdani ku dhawaaqday Jimcihii, kadib markii uu ka tagay Manchester United, isaga oo bilshii lasoo dhaafay ahaa xor.

Ronaldo ayaa ka tagay Old Trafford bishii hore kadib uu bixiyay wareysi ka careysiiyay Manchester, waxaana 37 jirkaan weerarka ka ciyaara uu ku sheegay inuu dareemayo khiyaano uu kala kulmay, isaga oo sheegay in aanu ixtiraam u heyn tababarahooda reer Holland Erik ten Hag.

Al Nassr, ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida ee Ballon D’or uu ku biiri doono heshiis dhacaya 2025, laakiin ma aysan shaacin wax tafaasiil maaliyadeed ah.

Qandaraaska Ronaldo ayay saxaafaddu ku qiyaastay in ka badan 200 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 214.04 milyan oo doolar.

“Waxaan rajeynayaa inaan ku biiro saaxiibadeyda cusub oo aan si wadajir ah u caawiyo kooxda si ay guulo u gaarto.” ayuu Ronald ku yiri bayaan uu soo saaaray.

Ronaldo ayaa Sucuudiga ku iman doona isaga oo wata abaalmarinno badan oo heer naadi ah kadib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda reer Spain ee Real Madrid intii u dhaxaysay 2009-18 isaga oo kula guulaystay laba koob oo LaLiga ah, laba koob oo Spain ah, afar koob oo Champions League ah iyo saddex koob oo koobka kooxaha adduunka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post