873 Views

“Cadaado waxaa lagu qabtay nin ku eedeysan Kufsiga & Dilkii Xamdi” Zakiya Xuseen.

“Cadaado waxaa lagu qabtay nin ku eedeysan Kufsiga & Dilkii Xamdi” Zakiya Xuseen.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 16 2020—Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Booliiska Magaalada Cadaado uu gacanta ku dhigay Nin lagu tuhmayo Kufsi iyo dil Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax 11-kii September 2020.

Zakiya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay magaca ninka gacana Booliiska galay oo ah Eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo in uu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka kadib.

Howlgalka lagu soo qabtay Maxamed Ibraahim ayaa xalay ka dhacay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana iska kaashaday Booliiska DFS & DG Galmudug oo adeegsanaya macluumaad ay heleen.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo shalay Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in 11-ruux oo ku eedeysan kiiska kufsiga iyo dilka xigay ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax ay ku jiraan gacanta laamaha ammaanka Dowladda oo baaris ku wada.

Xamdi Maxamed waxa ay ahayd Ardayad sanadkaan ka qaybgashay Imtixaanka Shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, maydkeeda ayaa la helay, kadib markii la sheegay in dabaq ku yaalla Degmada Waaberi laga tuuray.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post