2061 Views

Xildhibaan Fiqi”Khilaafka Jira Waa Mid Saldhigan Doono Meel Aan Caaqibadeeda La Mahdin Doonin”

Xildhibaan Fiqi”Khilaafka Jira Waa Mid Saldhigan Doono Meel Aan Caaqibadeeda La Mahdin Doonin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 31, 2018 – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee Maanta uu u baaqday fariin ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dareemay khatarta dalka ku socday,isla markaana khilaafka jira uu yahay mid wixii ka yimaada aan la mahdin doonin.

“Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin ayuur yiri Xildhibaan”

Xildhibaan Axmed macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay weli hortaallo waxka weyn shir lahakiyo sidoo kale lagana doonayo in si daacadnimo ah uu khilaafka jiro xal ugu raadiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment