2709 Views

DAG-DAG :-R/wasarre Kheyre Oo Kuwajahan Qadar

DAG-DAG :-R/wasarre Kheyre Oo Kuwajahan Qadar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  13, 2017 –Ra’islawasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta kaga dhoofay magaalada Muqdisho,waxaana uu aaday dalka Qadar.

Ra’isalwasaaraha waxaa uu ka qeybgelayaa Shirka Qatar Forum ee ka dhacay magaalada Doxa,halkaas oo ay isugu imanayaan madax badan oo ka socota Caalamka.

Madaxda dalka Qadar ayaa la filayaa in uu la kulmo kana wada hadlaan arrimaha dhaqaalaha,xiriirka iyo taageerada Qadar ee arrimaha bani’adamnimada ka jirta Soomaaliya.

Shirka uu ka qeybgelayo Ra’isalwasaaraha ayaa furmaya maalinta berri ah ee 14ka May waxaana uu dhamaanayaa 15ka May.

Shirkan waxaa xoogga lagu saarayaa dhaqaalaha,maalgashiga,amniga iyo xiriirka Waddamada Bariga dhexe,sidoo kale waxaa ka qeyb gelaya Barayaal sar-sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha ugu waaweyn Caalamka waxaana ay ka jeedin doonaan hadallo la xiriira xasilinta Siyaasadda Caalamka.

Ra’islawasaare Kheyre oo la magacaabay 23kii February 2017,waa safarkiisii 1aad oo uu dalka uga baxo tan iyo magacaabistiisii

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment