981 Views

Daraasad cusub oo Mareykanku sameeyay oo soo jeedinaysa in xirashada laba maaska ay si fiican qofka uga difaaci karto caabuqa coronavirus.

Daraasad cusub oo Mareykanku sameeyay oo soo jeedinaysa in xirashada laba maaska ay si fiican qofka uga difaaci karto caabuqa coronavirus.
____________________________________________________________________________

 Feb: 20/2/2021

 Daraasad cusub oo Mareykanku sameeyay ayaa soo jeedinaysa in xirashada laba maaskara ay si fiican qofka uga difaaci karto caabuqa coronavirus.

Daboolidda wajiga waxay yareyneysaa faafitaanka coronavirus, balse waa inuu waji xirka ahaada mid dabooli kara sanka iyo afkaba.

Weji xirashada, af daboolka ama labadaba?

Xilli uu aad u faafayo nooca cusub ee fayraska, ayaa Xarunta ka hortaga cudurada ee dalka Maraykanka waxay ku talinaysaa inay dadka isticmaalaan laba waji xir.

Tallooyinka kale waxa ka mid ah:

•Waxaad doorataa weji xir sanka aan kaa caburinaynin

Waxaad tijaabisaa inuu sifiican u dabooli karo afka iyo sanka

•Waxaad xaqiijisaa inuu ka koobanyahay dhowr xabo oo isasa saran.

Kuwa ugu wanaagsan ayaa waxa bixiya shirkadda FFP3, balse badanaa waxa xirta shaqaalaha caafimadka ee ka howlgala xarumaha halista ah.

Waddamada qaar sida Germany iyo Austria, waxa dadka lagu amray inay xirtaan maskarada ay isticmaalahan howlwadeenada caafimadka.

Maadaama dadka qaba xanuunka Corona ay mararka qaar qufacaan, waxaa muhiim ah in qof walba oo qufacaya ama hindishoonaya aad ka fogaato hal mitir.

Arrintan ayay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO sheegtay in marka qofka uu qufaco ama uu hindishooda ay jirkiisa haddii ay ahaan lahayd sanka ama afka ay kasoo baxaan dheecaan, kuwaas oo laga yaabo inay sitaan xanuunka.

Haddii aad ku dhaw dahay qofkaas, waxaa suurtagal ah in waxyaabahaas aad neefsato ama ay gudaha u galaan jirkaaga.

‘Taabashada wejiga’

kulligeen waxaan taabanaa wajiyadeenna si isdaba joog ah. Daraasad indho indhayn ah oo ay sameeyeen arday caafimaadka ka barata dalka Australia sanadka markuu ahaa 2015 ayaa lagu ogaaday in iyagu xitaa baaritaanka sameynayay awoodi waayeen in aysan taabanin wajiyadooda.

Waxaa inta badan laga filaa ardayda caafimaadka in ay ka taxadaraan halista cudurradda marka loo barbardhigo dadka aan baranin caafimaadka, laakiin waxaa dhacday in ay wajiyadooda taabteen ugu yaraan 23 jeer saacaddiiba, taasoo ay ka mid ahayd taabasho joogta ah oo afka, sanka iyo indhaha ah.

Laamaha caafimaadka adduunka iyo xirfadlayaasha, oo ay ku jirto Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxey sheegeen in “taabashada wejiga” ay tahay mid halis ah. Talada ku saabsan caabuqa Covid-19 caadiyan waxey carrabka ku adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay in aan gacmaheena ilaalinno, in ka badan inta aan ka ilaalineyno wasakhda.

Maxay tahay sababta aan u xiranaayo maaskaraha ?

Ujeedada ugu weyn ayaa ah in dadka laga ilaaliyo cudurka korona. Haddii uu qof walba xirta waxaa yaraanaya khatarta cudurka.

Haddii uu qofka sida saxda ah u xirto, waxay ka qayb qaadan karaan dadaalka looga hortagaayo faafidda fayraska. Weji xirashada ayaa si toos uga dhaqan gashay guud ahaan dalka Ingiriiska gaar ahaan gaadiidka dadweynaha iyo xarumaha dowladda.d

Si fiican makuu caawin karaa weji xirashada?

Waxaa suuragal ah in aad aragto dad sanka iyo afka u xiran yahay, balse caddeyn badan looma hayo in ay taa ka caawineyso in xanuunka ay ka badbaadaan.

Waxaa taas ugu wacan in ay maradaas dabacsan tahay, ma qarinayaan indhaha, muddana lama xirnaan karo.

Waa in si joogto la isaga badalo ka dib marka lagu dhidido, waa haddii aad dooneyso in si wanaagsan ay kuu caawiyaan.

Si aad isaga ilaaliso coronavius, hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay ku talineysaa:

•sanka iyo afka qabso marka aad hindhisooneyso. Waxaad adeegsataa tiish ama gacantaada.

•tiishkaas isla markiiba waxaad ku tuurtaan qashin-hays daboolan.

•ka dib gacmaha si joogto u dhaq saabuun ama dawooyiinka kale ee nadaafadda.

•ka fogow dadka aadka u hindhisoonaya ama u qufacaya (ugu yaraan hal mitir u jirso).

Arrimnahan soo socdo wax faa’ido ah uma lahan ka hortagidda ama daweynta korona:

•cunidda toonta

•luq-luqashada

•in sanka aad dawo ku dhaqato

•in saliidda sisinta aad mariso wareegga sankaaga

Dhammaan arrimahaas kaama caawinayaan ama kaama ilaalinayaan ka hortagga caabuqa cusub ee corona, sida ay WHO sheegeyso.


Xafiiska
Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post