669 Views

Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Turkey oo kulmay markii ugu horaysay Markii uu Biden Xilka qabtay

Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Turkey oo  kulmay markii ugu horaysay Markii uu Biden Xilka qabtay
____________________________________________________________________________

June 15 2021

 Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Turkey Joe Biden iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladii fool-foolka ahaa ee ay markii ugu horreysay shalay yeesheen ku tilmaamay inay ahaayeen ‘kuwa miro-dhal ah’, laakiin ma aysan shaacin horumar weyn oo laga garay xiriirka labada dal.

Biden ayaa saxafiyiinta u sheegay kaddib kulankii Isniintii ka dhacay magaalada Brussels in wadahadalku uu ahaa ‘mid wax ku ool ah oo miro-dhal ahaa’, wuxuuna sheegay inuu ku kalsoonyahay in horumar dhab ah laga gaari doono wadahadallada uu la leeyahay Turkey.

Erdogan ayaa isna dhiniciisa wadahadlladan ku tilmaamay inay ahaayeen kuwa si daacad ah la isku weydaarsaday.

“Waxaan u maleyneynaa inaysan jirin arrimo u dhexeeya xiriirka Mareykanka iyo Turkiga oo aan la xallin karin iyo in meelaha iskaashiga nagala dhexeeya ay ka taajirsan yihiin kana weyn yihiin dhibaatooyinka” ayuu yiri Erdogan.

Wadahadalkan ayaa imanaya xilli labada dal oo ku jira xulufada NATO ay isku khilaafsan yihiin arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Syria, Libya iyo soo iibsashadii Turkey ee hubka Russia.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn saaray Turkiga bishii December sababo la xiriira iibsiga hubka difaaca Ruushka, wuxuuna dhowaan dhaleeceeyay xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Turkiga.

Turkiga ayaa ka codsaday Mareykanka inuu joojiyo taageerada uu siinayo dagaalyahanada Kurdiyiinta Syria oo Turkey uu sheegay inay xiriir la leeyihiin kacdoonka Kurdiyiinta ee ka socda Turkiga.

Bishii April, Biden wuxuu ka careysiiyay Turkiga isagoo aqoonsaday xasuuqii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee 1.5 milyan Armenia ah, laga soo bilaabo qiyaastii 1915 ilaa 191. Turkiga ayaa beeniyay in dilalkaasi ay ahaayeen xasuuq.

Erdogan waxa uu sheegay in aan laga hadlin arrinta Armenia intii uu socday kulankii Isniinta oo socday 45 daqiiqo.

Mowduuca iibsiga Turkiga ee gantaalaha difaaca ee S-400, wuxuu Erdogan muujiyay isnaan wax horumar laga sameyn.

Erdogan ayaa sheegay in isaga iyo Biden ay sidoo kale ka wada hadleen Afghanistan kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Turkey ay qaadan karto doorka sugidda amaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul kaddib marka Mareykanku uu ciidamadiisa kala baxo dalkaasi.

Wuxuu sheegay in Turkiga uu u baahan doono “kaalmo diblomaasiyadeed, mid isuduwid iyo mid dhaqaale” oo uga timaada Mareykanka, hadii ay ku sii nagaanayaan ciidamada Turkey ee ku sugan Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post