1188 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in tallaalka Coronavirus la keeni doono dalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in tallaalka Coronavirus la keeni doono dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 08, 2021–Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa  qorsheynaysa in Tallaalka Caabuqa Coronavirus-ka ay gaarsiiso guud ahaan dalka, iyadoo Qeybta ugu horreeysa tallaalka dalka lakeeni doono bishaan aan ku jirno ee febraayo 2021. Ujeedada waxay tahay in dadka soomaaliyeed laga tallaalo xanuunka karoonaha ayadoo tallaalka uu yeelan doono wajiyo kala duwan, sida ku cad qodobada hoose ayaa lagu yiri qoral kasoo baxay Wasaaradda.

War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay  dadka ugu horeeya ee tallaalka qaadan doona iyo sida loo qaadan doono, waxaana Nooca Tallaalka ee Soomaaliya la keenayo aylagu sheegay AstraZeneca/Oxford vaccine qiyaasta wajiga hore la heli doono ayaa ah 1,224,000.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafdeedka kasoo baxay Wasaaradda Caafomaadka Soomaaliya.

Shaqaalaha Safka hore: waxa Talaalka qaadan doona Dhammaan shaqaalaha Caafimaad ee ka hawlgala xarumaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, shaqaalaha ku sugan Marinada laga soo galo dalka sida koontaroollada Xuddudaha dalka, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo wadooyinka laga galo magaalooyinka, shaqaalaha dowladaha hoose ee sida maalinlaha ah ula falgala dadka ay u adeegayaan iyo macallimiinta.

Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn)

Dadka sida gaarka ah ula tacaala xanuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada

Nooca Tallaalka ee Soomaaliya la keenayo ayaa ah AstraZeneca/Oxford vaccine qiyaasta wajiga hore la heli doono ayaa ah 1,224,000. Tallaalkan waxaa lagu keydin karaa heer kulul u dhaxeeya (2-8) cabbirka heer kulka ee degree centigrade taasoo macnaheedu yahay in lagu kaydin karo habka qaboojiyaha tallaalada ee dalkeennu leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka ayadoo si dhow ula shaqeyneysa hay’adaha WHO, UNICEF iyo Hay’adaha kale ee Caafimaadka kala shaqeeya waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doontaa Bixinta tallaalka COVID-19 isla marka ay timaado  qeybta ugu horreeysa ee tallaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya waxay mudnaanta siisay diyaarinta habraacyada iyo  Istaraatiijiyadda Tallaalka ayadoo kaashanaysa Hay’adaha bahwadaagta la’ah taasoo awood u siin doonta marka ugu horreysa inay tallaalka qataan shaqaalaha safka hore iyo dadka lanool cudurada halista u ah.

Guud ahaan tirade guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus. Qabashada ololayaasha dalka wuxuu uleeyahay qibrad maadama sanadihii hore la qaban jiray ololayaal kala duwan sida Dabeysha iyo jadeecada, isagoo dalku uu ka faaiidaysan doono khibraddaas aan mudada dheer u leenahay qabashada ololayaasha, waxaa inoo sahlanaan doonto bixinta tallaalka COVID-19.

Guddiga Qaran ee ka shaqeynta tallaalka COVID-19 ee la Sameeyey bishii November ee sanadkii tagay 2020 waxay gundhig u ahaayeen dhisidda iyo billaabidda maamulka ama Hay’adda Hay’adda Qaran ee maamusha Daawada iyo Tallaalada Qaranka ee kumeel gaarka ah si ay u qiimeyso oo u kormeerto shuruucda Isticmaalka , Tayada iyo badqabka tallaalka.

Somaaliya illaa iyo hadda waxay xaqjiisay helidda tallaal ku filan 20% dhamaan Bulshada, taasoo dabooli doonta inta badan dadka nugul ee aan kor kusoo sheegnay. Dowladdu waxey ku dadalaysaa sidii dhaqaale kale loogu heli lahaay in dhamaan  bulshada hesho Talaalka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post