750 Views

Ciidamada Danab oo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ku dilay Shabeelaha Hoose

Ciidamada Danab oo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ku dilay   Shabeelaha Hoose
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Halkaas oo ay ku dileen Sarkaal caan ka ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Weerarkan oo Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku khaarijiyeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Nuux Dhagool.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post