747 Views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaad oo ka socda magaalada Baraawe.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaad oo ka socda magaalada Baraawe.
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 3, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kulul oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada ee ku sugan magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Maleeshiyaad jooga oo goor dhawayd halkaas ka bilaawday.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Dagaalka uu bilaawday kadib markii ay maleeshiyaadka hubeysan oo kasoo horjeeda doorashada golaha deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen hotelka ay ka socoto doorashada.

Sidoo kale  dagaalka xoogiisa ayaa ka socda  dhabarka dambe ee Hoyga guddoomiyaha degmada, Cumar Sheekh Cabdi Safaana ka dagan yahay magaalada baraawe.

Maleeshiyaadka ayaa ka biyo diidan in doorasho la qabto doorashada golaha deegaanka, ayada oo aan xal laga gaarin dilka Ninkaas iyo tabashadooda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post