1464 Views

Wasiirka Beeraha XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay Talyaaniga

Wasiirka Beeraha XFS oo shir caalami ah uga qeybgalay Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 26, 2019 –Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  oo howlo shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga  qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO.

Ajandaha ugu weyn ee kulanka uu ka qeyb galay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid wuxuu ahaa  doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka Shiinaha.

Soomaaliya waxay si buuxda uga qaybgashay dhammaan howlaha shirka, Wasiirka oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Hey’adda IFAD, Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay waxeyna kala hadleen sidii loo horumarin lahaa Beeraha loona kordhin lahaa wax soo saarka dalka, Wasiir Ciid ayaana kulan qaasa oo uu la yeeshay  madaxa Hey’adda  (IFAD) Gilbert F. Houngbo  wuxuu kala hadlay sidii IFAD ay dib ugu bilaabi lahayd maalgalin toosa oo ku saabsan  horumarinta Beeraha Soomaaaiya, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in si toosa loo bilaabo qorshe wada hadal oo arrintaasi ku  saabsan.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka loona heli lahaa Maalgashiyo dhinacyo kala duwan leh si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhameystiran.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment