1185 Views

Golaha Aqalka Sare oo cambaareeyey Go’aankii Trump

Golaha Aqalka Sare oo cambaareeyey Go’aankii Trump
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada muqdisho,iyaga oo kulanmooda uga hadlay qodobo dhowr ah.

 

Aqalka Sare ayaa cod uqaaday Mooshin ka dhanka ah heshiiska qarniga oo duulaan ku ah Islaamka iyo Madaxbanaanida Falastiin,kaas oo uu soo saarey Madaxweyne trump,waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyey dhamaan mudanayaashii fadhiga Maanta soo xaadiray oo gaarayay 30 Senator.

 

 

 

Horey ayaa go’aanka Trump waxaa u taageeray laba kamid ah dowladaha Carbeed sida Masar iyo Sacuudiga,iyaga oo sheegay in ay ku jirto nabada wadamada Bariga Dhexe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment