750 Views

Ciidamada Itoobiya oo aad u xoojiyay Ammaanka magaalada Adisabab

Ciidamada Itoobiya oo aad u xoojiyay Ammaanka magaalada Adisabab
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 24, 2021

Iyadoo ay weli socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Jabhadda xoreynta Tigreega TPLF iyo ciidamada Itoobiya, ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay sameyeen dhaqdhaqaaqyo lagu adkeeynaayo Ammaanka magaalada Addisababa ee Caasimadda Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa fadhiisimo cusub ka sameeystay degaanno aan ka fogeen Caasimadda si looga hortago weerarro kaga yimaado maleeshiyaadka falaagada ah ee TPLF.

Jabhadda TPLF,  ayaa  isbahaysi la samaysatay kooxo kale oo ay ka mid yihiin Jabhadda Xoraynta Oromada iyo maleeshiyaad kale oo ka dagaalama deegaano ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Jabhadda Xoreynta Tigray-ga ayaa Todobaadkan ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigeen deegaanka Shewa Rubet oo 220-km dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Addisababa, taas oo dowladdu aanay wali ka hadlin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post