1416 Views

Mareykanka Oo War Cusub Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyay Gobolka Hiiraan

Mareykanka Oo War Cusub Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyay Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 2,, 2019 —War qoraal ah oo kasoo baxay howl-galka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ka dhacday saldhig ay  Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeelleey oo qiyaastii 22 km Koonfur Galbeed ka xigta Magaalada Baladweyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo duqeynta kasoo gaaray Dadka Rayidka ah ee ku nool goobaha la weeraray, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Africom.

Agaasimaha howl-gallada Afrika ee Africom, Jeneraal; Gregg Olson, ayaa sheegay in ay wada shaqayn dhow leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda Caalamka, si ay loo dhowro Shacabka.

Warka kasoo baxay (Africom) ayaa lagu sheegay in  24 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen kadib duqeyn dhinaca cirka ah oo Ciidanka Maraykanka Afrika ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Si kastaba warkaan kasoo baxay Africom weli dhankooda kama hadlin Al-Shabaab oo la sheegay in duqeyn ka dhacday Gobolka Hiiraan looga  dilay Xubno ka tirsanaa.a

 

 

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment