945 Views

Jubbaland oo Farriin u dirtey Beesha Caalamka

Jubbaland oo Farriin u dirtey Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan duleedka degmada Beled-Xaawo ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin toos ah ku heyso Gobolka Gedo.

 

Waxaa uu sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda ay geysay,isla markaana degmooyinkii Amniga ahaa laga abuurey khalqal gelin iyo amni darro.

 

 

 

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtey ayuu ku sheegay in Xildhibaannada labada Aqal iyo Beesha Caalamka iyo dhamaan dowladaha taageera Soomaaliya ay dib u eegaan howlaha ay wadaan Madaxda Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay bur burinayaan Maamul Goboleedyada.

 

Xaaladaha kajira deegaannada Gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland inay ka dhasheen xaalado Bani’aadanimo,isla markaana u baahan in ilgaar ah lagu haayo.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment