1497 Views

SAWIRO:-Ciidamada DANAB oo Al-Shabaab deegaano kala wareegay

SAWIRO:-Ciidamada DANAB oo Al-Shabaab deegaano kala wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay shegeen in uu howlgalka ahaa mid Al-Shabaab looga saarayay deegaano dhowr ah,isla markanaa laga sameeyey deegaannada,Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhamaan tuulooyinkii ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga baxeen Al-Shabaab,isla markaana ay la wareegeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Jubbaland.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ay weli ku sugan yihiin deegaannadaas,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment