846 Views

Ciidanka Hay’ada Nabadsugida Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay Kismaayo

Ciidanka Hay’ada Nabadsugida Jubbaland oo  howlgallo ka sameeyay Kismaayo
____________________________________________________________________________


isniin: October 18, 2021

Ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka wadaan gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu baadigoobayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Ciidanka NISA Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgallada laga sameeyay dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah Al-Shabaab halka kuwa kale lagu raadjoogo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay bulshada la wadaagi doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo shaqooyinkii lidka ku ahaa amniga dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen.

” Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay NISA Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa dhawaan waxaa ka dhacay liddi ku ah amniga, waxaana taasi ay keentay in Ciidanka NISA ay howlgallo billaabaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post