978 Views

Madaxweynaha Tanzaaniya Marwo Samia Suluhu oo booqasho uga bilabatay dalka Kenya

Madaxweynaha Tanzaaniya Marwo Samia Suluhu  oo  booqasho uga bilabatay  dalka Kenya
____________________________________________________________________________

.

May 4, 2021

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka Tanzaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ay booqasho labo maalmood qaadaneysa uga bilaabatay dalka Kenya .

Madaxweyne Suluhu ayaa goor dambe oo maanta ah waxaa aqalka madaxtooyada ee Nairobi ku qaabilaya madaxweynaha martida loo yahay ee ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Afhayeenada Aqalka Dowladda Kenya, Kanze Dena-Mararo ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta casuumaad u fidiyey dhigiisa dalka Tanzania, waana socdaalkeedii u horeeyey ee iyadoo Madaxweyne ah ku booqato dalkaasi.

Madaxweynaha Tanzania waxay sheegtay inuu Maamulkeeda go’aansaday in la xaliyo qaar ka mid ah arrimaha u dhexeeya labada dal.

Bishii la soo dhaafay, Dowladda Kenya waxay ku hungowday qorshooyin si wadajir ah oo lagu dhisi lahaa Dhuumo shidaalka geeya dalka Uganda, kadib, markii ay Dowladda Tanzania sababo la xiriira COVID 19 u xireen xuduudka dalkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post