588 Views

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo xalay qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo  xalay qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

“Waxay isku dayayaan inay xadaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib markii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Isaga oo aan wax caddeymo ah soo bandhigin, islamarkaana aan weriyayaasha u ogolaan inay su’aalo weydiiyaan, ayaa Trump wuxuu qaaday tallaabo aan caadi aheyn, oo ay kaga soo yeereen erayo aan taariikhda horey looga maqal madaxweyne Mareykan.

Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalayaan “codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.”

“Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. “Waxay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”

Cabashada Trump ayaa la xiriirta codadka doorashada ee lagu soo diray boostada, kuwaasi oo dadka qaar ay ka doorbideen inay codadkooda ka dhiibtaan goobaha doorashada.

Dad badan ayaa doortay inay codadkooda soo diraan sanadkan, ayaga oo ka walaacsan cudurka Coronavirus oo dalka Mareykanka ku dilay in ka badan 230,000 oo qof.

Si kastaba, maadaama Trump uu isku dayey inuu hoos u dhigo halista coronavirus, islamarkaana uu taageerayaashiisa u sheegay inaysan codadka kusoo dirin boostada oo ay toos u dhiibtaan, codadka boostada ayaa badankood ah kuwa Dimoqraadiga.

Sidoo kale, codadka lasoo diray ayaa tirinta lagu billaabay kadib kuwii tooska loo dhiibtay, waxaana dhacday kadib in gobollo badan oo uu ku horreeyey Trump, maadaama codadka maalinka doorashada ay ku badnaayeen taageeryaashiisa, kadib laga daba yimid ama laga hormaray markii la tiriyey kuwa lasoo diray.

Qeylo-dhaanta Trump ayaa timid ayada oo gobollo badan oo weli aan la go’aamin cidda ku guuleysatay ay u muuqdaan kuwa u janjeera dhanka Joe Biden.

Biden, oo 77 jir ah, ayaa hal ama laba gobol un u baahan si uu ugu guuleysto doorashada, ugana saaro Aqalka Cad Trump oo 74 jir ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post