228 Views

Hay’ada Hormuud Salaam foundation oo deeq lacageed oo gaaraysa $200,000 ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Hay’ada Hormuud Salaam foundation oo deeq lacageed oo gaaraysa $200,000 ugu deeqday  dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 30, 2022

Hay’ada Hormuud Salaam foundation oo ah qeybta gargaaarka iyo hormarinta bulshada ee shirkada Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank ayaa deeq lacageed oo gaaraysa $200,000 ugu deeqday  dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Soobes

Gudoomiyaha hay’ada Hormuud Salaam Foundation C/laahi Nuur Cusman oo  dadka soomaaliyeed uga tacsiyeeyey musiibadii shalay ka dhacday zoobe kana hadlay  deeqda lacageed ee HSF iyo sida ay hay’ada uga qeyb  qeybqaadatay gargaarka dadka waxyeelada soo gaartay ayaa yiri  “waxaa aan isla  xalay sameyney  5 Telephone lines oo  loogu tala galay gurmadka deg deg ah, sidoo Saakay waxaa ay HSF dib u kicisay Xaruntii wicitaanka dadweynaha ee 449, oo horey loogu Isticmaali jirey Covid-19 , taasoo hada loo isticmaalayo Gurmadka deg deg ah. Maantana hay’ada waxa ay go’aansatay in ay 200 kun dollar ugu deeqdo dadki ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay zoobe, Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacana allaha caafiyo”

Agaasimaha isbitaal banaadir Fartuun shariif ayaa ka mahad celisay deeqda hey’ada hormuud salaam foundation ay ugu yaboohday dadka ay waxyeelada kasoo gaareen qaraxyadii shalay ka dhacay muqdisho.

Sido kale waxaa madasha loogu dhawaaqay deeqda ka hadlay xubin ka tirsan gudiga maareeynta musiibooyinka ayaa ka warbixiyay talaabooyinkii ay hey’ada hormuud salaam foundation uga qeyb qaadatay gurmadka tan iyo markii ay qaraxyada dheceen.

Hey’ada hormuud salaam foundation ayaa had iyo jeer waxa ay kaalin muuqata ka qaadataa u gargaarida bulshada soomaaliyeed marka ay dhacaan musiibooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post