690 Views

Rooble oo oo xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, Waxuuna ka dhageystay warbixin ku aadan waxa uga qabsoomay doorashooyinka dalka ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga kula dardaarmay inay dardar-geliyaan kaalinta uga aadan qabsoomida doorashada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post