864 Views

Wafdi ka socda Puntland oo gaaray Bandar-Bayla

Wafdi ka socda Puntland oo gaaray Bandar-Bayla
____________________________________________________________________________

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Cabdiweli Mire Xirsi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Bandar-Bayla.
Wafdiga uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, Agaasimaha waaxda maareynta masiibooyinka Wasaaradda, Taliyaha Ciidanka madaxtooyada Qardho.

Ujeedka safarka Wafdiga uu hogaaminayey Wasiirka ayaa salka ku haya Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Bayla, iyo wacyigalinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta DPL, xoojinta Nabadda iyo wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, Arrimaha Hormarinta Degmada, Dardar gelinta canshuuraha iyo kormeer shaqo oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xarumaha Dawladda iyo kuwa Arrimaha Bulshada ee Degmada Beyla.
Wafdigaan uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka waxaan Degmada Taariikhigaa Bandar-Bayla ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Karkaar, Maamulka Degmada, iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada Bandar-Bayla

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post