975 Views

Xarunta Guddiga FEIT oo maalintii 3-aad ka socoto shahaado bixinta Xildhibaanada

Xarunta Guddiga FEIT oo maalintii 3-aad ka socoto shahaado bixinta Xildhibaanada
____________________________________________________________________________


Isniin: April 4, 2022

Waxaa maalintii 3-aad, Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ka socda shahaado bixinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa shalay diiwaan galiyay xildhibaano dhowr ah oo ka kala tirssn Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kuwaas oo tiradooda gaareyso 112 xildhibaan.

Xalay Cismaan Abuukar Dubbe ayaa noqday Senatorkii ugu dambeeyey ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka, halka uu isna qaatay shahaadada Xildhibaanimo Xildhibaan Cmar Yuusuf Qaladid (GSH#136), sida ay shaaciyeen Guddiga FEIT.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashooyinka ee FEIT ayaa goordhow guddoon siiyay shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanada kala ah:

1. Ibrahim Awgab Osman AS#06
2. Hassan Idow Mohamed A#22
3. Nor Mohamed Gedi AS#10

Ugu dambeyn guddiga ayaa bogaadiyay dhammaan mudanayaashii qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, iyagoo inta dhimmaan ku boorriyay inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel si loo guddoonsiiyo shahaadada Xildhibaanimo ee Guddiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post