294 Views

Ciidamada xoogga dalka howlgal qorsheysan ka fuliyey degaan katirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka howlgal qorsheysan ka fuliyey degaan katirsan gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa degaanka Buqda-aqable ee gobolka Hiiraan waxa ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 dhagarqabe oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka DANAB.

Talaiyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq-aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Degmadda Buqda-aqable ayaa kamid ahayd goobaha ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen Ururka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post