486 Views

Hay’adda samafalka ee Oxfam oo ugu baaqday dowladaha caalamka inay canshuur dheeraad ah saaraan

Hay’adda samafalka ee Oxfam oo  ugu baaqday dowladaha caalamka inay canshuur dheeraad ah saaraan
____________________________________________________________________________


Isniin: January 17, 2022

Hay’adda samafalka ee Oxfam ayaa ugu baaqday dowladaha caalamka inay canshuur dheeraad ah saaraan dadka dhaqaalaha badan sameeyay inta uu jiray xanuunka Covid-19.

Tobanka nine e ugu taajirsan caalamka ayaa in ka badan laba-laab ay u korortay hantidooda inta uu socday xanuunka safmarka ah.

Taa bedalkeeda, hay’adda ayaa sheegtay in 160 milyan oo qof oo dheeraad ah ay ay maalintii ku nool yihiin wax ka yar lix dollar.

Warbixinta ayaa sheegtay in dadka sabool ah oo badan ay dhinteen inta uu cudurka koroona socday balse 10-ka nin ee ugu taajirsan adduunka ayaa in ka badan labalaantay hantidooda tan iyo bishii Maarso 2020-kii sida ay Oxfam xaqiijisay.

Oxfam ayaa caadiyan soo saarta warbixinnada ku saabsan sinnaan la’aanta caalamiga ah bilowga shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post