1545 Views

Askar Itoobiyan ah oo magan-galyo weydiistay Sudan

Askar Itoobiyan ah oo magan-galyo weydiistay Sudan
____________________________________________________________________________

120 Ciiddan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga, kana mid ahaa Ciiddanka Ethiopia ee Hawlgalkii QM ee Nabad-ilaalinta Gobalka Daarfuur ayaa waxaa magangelyo laga siiyey dalka Sudan.

Ciiddankaasi waxay horey uga codsadeen Dowladda Sudan iyo Hay’adda UNHCR in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo oo ay ku sii joogi karaan Sudan ama loo dhoofiyo dal 3-aad oo ay ku badbaadi karaan.

Madaxa Xafiiska QM ee Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR u jooga Waqooyiga Daarfuur ee dalka Sudan, Al-Fataax Ibraahim Maxamed ayaa xaqiijiyey in ciiddanka Ethiopianka ee ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga loo wareejiyey Xerooyin Qaxooti oo ku yaalla qeybo ka mid ah dalkaasi.

Ciiddankaasi oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga, kana mid ahaa Ciiddanka Ethiopia ee Hawlgalka QM ee Nabad-ilaalinta Gobalka Daarfuur waxay bilowgii sanadkan ka biyo diideeb in si khasab ah dib loogu celiyo dalkooda hooyo, iyagoo walaac xooggan ka muujiyey in loo ciqaabi doono qabiilka ay ka soo jeedaan ee Tigrayga.

Ciiddankaasi waxay horey qeyb ka ahaayeen Hawlgalka Nabad-ilaalinta QM ee Galbeedka Daarfuur ee UNAMID, oo Gobalkaasi joogay tan iyo sanadkii 2007-dii, wuxuuna xilli-hawleedkiisu ku ekaa bishii December 31-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Dhinaca kale, Tobanaan kun oo Qaxooti Ethiopian ah ayaa ka soo qaxay Dagaalka ka socda Gobalka Tigrayga ayaa soo nabad galay dalka Sudan, kuwaasi oo haatan ku nool Xerooyin ay maamulaan Dowladda Sudan iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post