384 Views

Maxaabiis hore oo shaaca ka qaaday kufsi ka dhaca xabsiyada Ruushka

Maxaabiis hore oo shaaca ka qaaday kufsi ka dhaca xabsiyada Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 10, 2022

Baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa lagu ogaaday in jirdil nidaamsan oo ay ku jiraan tacaddi jireed iyo galmo sida kufsi uu ku baahay nidaamka xabsiyada ee Ruushka. BBC-da ayaa la hadashay maxaabiis hore, falanqeysayna muuqaalo la faafiyay sanadkii hore,

iyadoona baartay kumannaan dukumeenti maxkamadeed. Bbc-da ayaa heshay caddaymo sheegaya in shaqaaluhu ay amreen oo ay sameeyeen xadgudubka, balse sidoo kale ay u mareen oo ay fareen maxaabiis kale si ay u fuliyaan falkaas.

Xeeladahan ayaa aalaaba loo isticmaalaa in dambiilayaasha lagu qasbo inay qirtaan dembiyadooda, iyadoo mararka qaar kuwa loo heysto eedeymaha lagula xisaabtamo.

Shaqaalaha xabsiyada ee Ruushka ayaanan ka hadlin eedeymahaan loo soo jeediyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post