876 Views

In ka badan Boqol kun oo carruur oo xaalad nafaqo darro ah ku heysataa Ismaamulka Tigray

In ka badan Boqol kun  oo carruur oo  xaalad nafaqo darro ah ku heysataa Ismaamulka Tigray
____________________________________________________________________________

.

Sabti: july 31  2021

Warbixin ay soosaartay Hay’adda Qaramada Midoobay u xilsaaran Sanduuqa Taakulada Carruurta ee UNICEF ayaa lagu soo bandhigay xaaladda ka taagan Waqooyiga Itoobiya gaar ahaan nafaqo darrada ka taagan.

In ka badan 100,000 (Boqol kun) oo carruur ayaa xaalad nafaqo darro ah ku heysataa Ismaamulka Tigray oo xaaladda ka taagan ay kasii dareysay maalinba maalinta ka dambeysa kadib markii Dowladda Federaalka ay faragelin Militari ku sameysay November 2020.

“Hubanti la’aan, Xaaladda ka taagan Tigray waa mid murugo badan muujineysa, in ka badan boqol kun oo carruur ah ayaa nafaqo darro heysataa, dabcan haddii aysan gurmad helin waxa ay weynayaan noloshooda” ayay tiri Marixie Mercado oo ah Afhayeenad u hadashay UNICEF.

“Colaadda aan dhamaadka lahayn waxa ay go’doon gelisay Qoysas badan, dhibaatada ugu weyn waxa ay heysataa Carruurta oo aanay helin nafaqeynta ay u baahan yihiin, waa wax aan indhaha laga qabsan karin” ayay sii raacisay Afhayeenaddaan oo Warbaahinta kula hadashay Magaalada Geneva.

Afhayeenadda u hadashay UNICEF ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee loo badbaadiyo kumaanka ruux ee la nool welwelka nololeed iyo saameynta taban ee laga dhaxlay colaadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post