273 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga La-dagaallanka & Ka-hortagga Maalgelinta Al-shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga La-dagaallanka & Ka-hortagga Maalgelinta Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 6, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka ee Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa Al-shabaab.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso baadda Al-shabaab ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha argagixisada, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa Al-shabaab ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF).

Kulankan waxaa ka qeyb galay  Raisul Wasaare Xamze Cabdi Barre Wasiirrada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post