636 Views

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan
____________________________________________________________________________

Sabti Julay  2, 2022

Dad gaaraya Shan ruux ayaa dhintay, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Subaxnimadi hore ee saakay uu dhul gariir ka badan Lix-darajo uu ku dhuftay koonfurta Iiraan, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Iiraan ee IRNA.

Wakaaladda ayaa sheegtay in Sedax dhulgariir oo cabbirkooda lagu qiyaasay 6.1 illaa 6.3 (Richter scale) ay ku dhufteen degaanno ka tirsan gobolka Hormozgan oo dhaca koonfurta Iiraan.

Guddoomiyaha gobalka Hormozgan Mahdi Dosti ayaa IRNA, u xaiijiyay khasaaraha ka dhashay dhul gariirkan oo maanta oo Sabti ah ka dhacay Hormozgan.

Mahdi Dosti, ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu ka dhacay Tuulada Saayid Al-Khuush, taasi oo la sheegay in dhul gariirka uu burburiyay inta badan dhismayashii Tuulada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post