894 Views

Kheyre oo shaaciyay halka lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Kheyre oo shaaciyay halka lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 01, 2019—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa deegaannada Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay in uu ku caawiyo reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeya danaha bulshada Galmudug iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment