1158 Views

Deni oo sheegay inay jiraan dad diidan horumarka Puntland

Deni oo sheegay inay jiraan dad diidan horumarka Puntland
____________________________________________________________________________

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay jiraan dad diidan horumarka Puntland iyo nidaamka xisbiyada badan eePuntland dooneyso inay ku gasho doorashada.

Sidoo kale Deni waxaa uu sheegay in beelaha qaar ee degaannada Puntland ay durba kasoo yeereyso qeylo-dhaanm isla markaana midkasta uu doonayo in nidaamka dimuqraadiga ah uu ku helo wixii uu ku heli jiray hab beeleed.

“Qabaa’iladii isuma noola. Isimadii waxgaradka ahaa runtii way yaaban yihiin. Beeldaaje Cali Faarax oo Ufayn ka hadlayay wuxuu noo sheegay in ay dadkii is naceen. “Iyadoo aan la gaarin  doorashadii, ayaa la leeyahay waxeena xaggaas dhig, maalin walba gar ayay ku jiraan” sidaas waxaa yiri madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in nidaamka xisbiyada ee laga hirgelinayo Puntland uu yeelanayo cadow farabadan, iyaga oo diidan horumarka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post