795 Views

Barafasoorka loo heysto inuu bambaanooyin ku qarxiyay Paris

Barafasoorka loo heysto inuu bambaanooyin ku qarxiyay Paris
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 26, 2022

Aqoon kasoo jeeda dalka Canada, oo lagu eedeeyey qaraxii sanadkii 1980-kii ka dhacey macbad ay ku leeyihiin dadka Yuhuudda ah magaalada Paris, ayaa wajihi doonna maxkamad sanadka 2023-ka, shan sano kadib markii lasii daayey cadeyn la’aan.

Faransiiska ayaa sheegay in bare sare Xasan Diab, oo asal ahaan ka yimid dalka Lubnaan, uu ahaa xubin katirsan kooxaha dagaalama ee reer Falastiin, isagoo kuxirey macbadka bam, waxaa halkaasi ku dhintey afar qof, halka afartan kalana ay ku dhaawacmeen.

Sanadkii hore maxkamadda racfaanka Faransiiska, ayaa laashey go’aankii maxkamadda hoose ee ahaa in lasii daayo Mr Diab, oo loo oggolaado inuu dib ugu soo laabto Canada, kadib saddex sano oo xabsi ah. Mr Diab, ayaa wali ah mid bari ah.

Maamulka Faransiiska, ayaan wali codsan in Mr Diab loo gacan galiyo, si deg deg looggu maxkamadeeyo. Qareenadiisa ayaa u sheegay warbaahinta Canada in la maxkamadeyn karo isagoo maqan.

Mr Diab, ayaa markii ugu horeysay waxaa xirey ciidamada gaarka ah ee RCMP sanadkii 2008-dii, isagoo lagu xirey sii deyntiisa damaanad ay shuruud ku laran tahay, illaa ugu danbeyntii loo tarxiiley Faransiiska sanadkii 2014-kii.

Waxa uu saddex sano ku qaatey xabsi ku yaalla Faransiiska, isagoo lagu eedeeyey dil heerka koowaad ah, kahor inta aan kiiska la joojin. Kiiska Diab, ayaa lala xiriirinayaa argagaxisnimo.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post