687 Views

Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale

Galmudug oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Kaxandhaale
____________________________________________________________________________


isniin: December 13, 2021

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa galabta ciidamo kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ee galbeedka degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka loo diray deegaankaas ayaa ka tirsan kumandooska Gor Gor, waxayna kala dhex-galeen maleeshiyo deegaanka ah oo maalmihii u dambeeyey aano qabiil dad badan isaga dishay.

La-taliyaha dhanka ammaanka ee xafiiska madaxweyne ku xigenka Galmudug Asad Badel Cilmi maamulka labada degmo hay’adaha amniga Booliska, Nabad sugidda iyo ciidamada Madaxtooyada Galmudug oo galabta ciidanka Gor Gor kuwareejiyay sugidda ammaanka goobihii lagu dagaalamay.

Maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ayaa iska dilay in ka badan 10 qof, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaaladii dhex-maray, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Galmudug ee ku howlan deminta colaadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post