453 Views

Weerar sababay dhimashi iyo dhaawac oo ka dhacay Guriceel.

Weerar sababay dhimashi iyo dhaawac oo ka dhacay Guriceel.
____________________________________________________________________________


khamiis: March 3, 2022

Saakay aroortii ayey ahayd markii Koox hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Ahlusunna ay weerar kusoo qaadeen Saldhiga booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo uu halkaas iska hor imaad kooban ku dhexmaray Kooxdii hubeysaneed iyo Ciidamadii Booliska ee ku sugneed Saldhiga.

Sida la xaqiijiyay dagaalka labada dhinac waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac hal askari oo boolis ah ayaa ku geeryooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaaday ay kala baxeen xabsiga saldhiga afar maxbuus, iyadoo la tilmaamay in ay la aadeen deegaanka Bohol oo fariisin u ah Xoogaga Ahlusunna.

Arrintaan ayaa u muuqato mid daba socota, shir jaraaid uu degmada Guriceel ku qabtay dhawaan Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaas, isagoo Ururka Ahlusunna ugu digay in Guriceel ay iska soo galaan amar la,aan, waxaana uu xusay in taasi ay ka xigaan dagaal.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post