582 Views

Banaanbax ka socda Hargeysa iyo xildhibaan ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada booliska Soomaaliland

Banaanbax ka socda Hargeysa iyo xildhibaan ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada booliska Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 9, 2022

Banaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliland, islamarkaana lagu dalbanayo doorasho ayaa waxaa ay maanta ka bilowdeen magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.


Boqolaal dadweyne ayaa dibad bax ka dhigaya bartamaha magaalada Hargeysa, waxaana hoggaaminaya hoggaamiyaha xisbiga Wadani ee Cabdiraxmaan Cirro.


Ciidamada ammaanka Soomaaliland ayaa rasaas u adeegsaday dadka banaanbaxa dhigaya.


Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada Booliska, islamarkaana uu ku dhaawacmay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, waxaana la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray Lugta .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post