345 Views

Xaaladda caafimaad ee Salman Rushdie oo laga dayrinayo kadib dhaawac soo gaaray

Xaaladda caafimaad ee Salman Rushdie oo laga dayrinayo kadib dhaawac soo gaaray
____________________________________________________________________________

sabti: AUGUST 13, 2022

Wakiilka qoraaga caanka ah ee u dhashay Britian, Salman Rushdi, ayaa sheegay in qoraaga uu ku jiro cisbitaal, kadib markii uu soo gaaray dhaawacyo badan, xilli lagu qaaday weerar mindi ah oo ka dhacay Gobolka New York ee dalka Mareykanka.

Andrew Wylie, ayaa sheegay in Salman uu dhaawac kasoo gaaray beerka, iyo in waxyeello ay soo gaartay neerfayaashiisa, ayna u badan tahay inuu beelo il.

Salmaan Rushdi ayaa in muddo ah waxaa soo gaarayey hanjabaado dil ah, tan iyo markii hoggaamiyihii hore ee Iiraan Ayatullah Khumeyni, uu soo saaray fatwo ka dhan ah buuggiisa, oo uu ku tilmaamay “Aayado Shaydaan”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post