1392 Views

Wafdi ka socda QM oo ku wajahan Dalka Yemen

Wafdi ka socda QM oo ku wajahan Dalka Yemen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay kormeerto dekedda Hodeydah ee dalka Yemen, si halkaasi looga soo dejiyo gargaar la doonayo in la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan dalkaasi. Hadalkan ayaa waxaa lagaga dhawaaqay magaalada Geneva.

Magaaladan ayaa waxaa ku dagaalamaya fallaagada Xuutiyiinta iyo xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga, kaa oo iminka sii xoogeystay.

Hay`adaha gargaarka ee QM ayaa sidoo kale sheegtay in 14 milyan oo dadka Yemen ah ay qarka u saran yihiin macluul, sida keliya ee gargaar cunto si degdeg ah loogu gaarsiin karo dadkaasina ay tahay in loo mariyo Xudeyda.

Hasayeshee dekadda ayaa waxaa xiray isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo, iyagoo ka jawaabaya weerarrada Xuutiyiinta, waxaana bisha soo socota la rajeynayo in ay dhacaan wadahadallo nabadeed oo u dhaxeeya labada dhinac.

Ergeyga Qaramaad Midoobay u qaabilsan dalkaasi Martin Griffiths ayaa waxaa uu gaaray magaalada Xudeyda, halkaa oo uu wadahadal kula leeyahay xuutiyiinta oo gacanta ku haya magaaladaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment