825 Views

Kenya oo bishan November joojin doonta dhoofinta noocyada Hass iyo Fuerte ee afokaadhada

Kenya oo  bishan November joojin doonta dhoofinta noocyada Hass iyo Fuerte ee afokaadhada
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Kenya ayaa wixii loo gaaro bartamaha bishan November joojin doonta dhoofinta noocyada Hass iyo Fuerte ee afokaadhada si loo joojiyo soo guridda miraha aan weli bislaan.

Mamnuuciddan ayaa kaddib qiimeyn lagu sameyn doonaa bisha January.

Si kastaba, amarkan ma saameyn doono noocyada kale ee afokaadhada.

Dowladda ayaa amarkan soo rogtay kaddib markii ganacsatada ay bilaabeen inay soo guraan miraha aan weli bislaan si ay kharash badan uga sameeyaan.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato qiimaha iyo helitaanka afokaadhada ee suuqyada dibadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post