2529 Views

NISA oo joojisay kulan uu qabanayay C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

NISA oo joojisay kulan uu qabanayay C/raxmaan C/Shakuur Warsame.
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 16, 2018 — Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa joojisay kulan siyaasadeed uu xalay ku qaban lahaa magaalada Muqdisho Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Boor ku qornaa halku dhigga muxaadarada siyaasadeedka uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur oo lagu casuumay dadweyne iyo siyaasiyiin ayaa goor dambe laga fujiyay Hoolka Hotelka Saxafi, iyadoo qorshuhu ahaa in xalay fiidkii la qabto.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray hadalkan ” Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad Sugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo, Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas, Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas”

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in tallaabada Hey’adda Nabad Sugida ku joojisay kulankan uu qaban lahaa ay muujineyso sida hoggaanka dowladda Soomaaliya u bartilmaameedsanayaan Mas’uuliyiinta Xisbiga, isla markaana xadgudub ku ah xuquuqda muwaadinka iyo xoriyadda hadalka oo Dastuurka dalka uu ogolaanayo.

“Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka”

C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay xukuumadda kula xisaabtamaan dhammaan, tallaabooyinka ka dhanka ah Dastuurka ee isugu jira cagajugleynta, dilka, xarigga, argagax gelinta lagu haayo madaxda iyo howl-wadeenada Xisbiga Wadajir.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment