1365 Views

Dadka Switzerland oo ogolaaday in la mamnuuco niqaabka in lagu xirto goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan

Dadka  Switzerland  oo ogolaaday in la mamnuuco niqaabka in lagu xirto goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Dadweynaha Switzerland ayaa maanta afti u qaadaya mamnuucidda niqaabka in lagu xirto goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan inkastoo ay aad u yaryaihiin dumarka Muslimiinta ee xirto.

Ra’yi aruurin laga sameeyay gudaha dalka Switzerland ayaa lagu ogaaday in inta badan shacabka dalkaasi ay taageersan yihiin in niqaabka la mamnuuco. Doodda arrintan ku saabsan ayaa dalkaasi ka socotay muddo sanado ah.

Waxaa horay indhashareerka looga mamnuucay dalal kale oo ku yaalla Yurub sida France, Belguim iyo Netherlands.

Goobaha fagaaraha iyo waddooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaasi ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ay ka mid yihiin “Dooni meyno Islaam xagjir ah” iyo “Naga ilaaliya xagjirnimada” Waxaa boorarkaasi ku sawiran haweenay Muslim ah oo xiran indha-shareer.

Sharcigan cusub hadii la meelmariyo ayaa haseyeeshee u oggolaanaya in indha-shareerka lagu xirto goobaha cibaadada sida masaajiidda.

Enas al- Sheikh oo ah afhayeen u hadashay urur Islaami ah oo ku howlan difaaca xaquuqda xijaabka ee haweenka Muslimiinta ee Switzerland ayaa sharcigan cusub ku tilmaantay mid “cunsuri ah oo dumarka ka eexanaya.”

Wakaaladda wararka ee AFP ayay u sheegtay, “in qiyaastii 30 haween oo kali ah ayba xirtaan indhashareerka guud ahaan dalka Switzerland.”

5.5% dadweynaha ku nool dalkaasi ayaa ah Muslimiin intooda bandanna ka yimid dalkii horay loo oran jiray Yugoslavia.

Kuwa u ololeynayay in la meelmariyo aftidan ayaa ku doodaya in inkastoo dadka xirta ay aad u yaryihiin, haddana loo baahan yahay in la diro fariin culus oo ku saabsan qiyamka dalkaasi.

Dowladda ayaa ka dalabatay cobixiyayaasha inay maya ugu codeeyaan aftidan.

Dadweynaha dalkaasi ayaa dalban kara in afti la qaada haddii 100,000 oo qof ay saxiixaan dalabkaasi.

Dalka Switzerland ayaa 10 sano ka hor mamnuucay minaaradaha masaajidda ka dib markii sidan oo kale afti loo qaaday.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post