810 Views

Madaxweynaha Jabuuti Geelle oo dalka Fransiiska kulan kula qaatay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

Madaxweynaha Jabuuti Geelle oo  dalka Fransiiska kulan kula qaatay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalka Fransiiska kulan kula qaatay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.

Labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo dhaqangelinta heshiis horey u dhexmaray Jabuuti iyo Faransiiska.

Dhanka kale, waxaa Paris ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda Jabuuti isla markaana lagu codsanayay in la sii daayo duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ku xiran Jabuuti.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post