378 Views

Madaxweynaha Ukraine oo shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaasi

Madaxweynaha Ukraine oo shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaasi
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalka ka dib eedeymaha loo soo jeedeeyay ee ah in qaar ka mid ah waaxyadooda ay gacan saar la leeyihiin Ruushka.

Wuxuu sheegay in ka badan 60 shaqaale horey uga tirsanaa dowladda Ukraine ay haatan la shaqeynayaan mas’uuliyiinta Ruushka ee ku sugan dhulka uu Ruushka qabasady ee ku yaalla Ukraine.

Ilaa 651 qof ayaa la sheegay inay la shaqeynayaan Ruushka kuwaas oo lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran isla markaana ay baarayaan laamaha amniga, sida uu sheegay madaxweynaha.

Xeer ilaaliyaha, oo la yirahdo Irna Venedik-tova iyo madaxa amniga, Ivan Baka-nov ayaa durbababa la bedelay.

Mas’uuliyiinta shaqada laga joojiyay weli kama aysan hadlin go’aanka madaxweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post