432 Views

Vladimir Putin oo amray ciidamada wadankiisa in ay gudaha u galaan labada gobol ee ay ka taliyaan kooxaha gooni u goosadka ah ee Ukraine

Vladimir Putin oo  amray ciidamada wadankiisa in ay gudaha u galaan labada gobol ee ay ka taliyaan kooxaha gooni u goosadka ah ee Ukraine
____________________________________________________________________________

 Talaado February 22, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray ciidamada wadankiisa in ay gudaha u galaan labada gobol ee ay ka taliyaan kooxaha gooni u goosadka ah ee Ukraine, kadib markii uu aqoonsaday in ay yihiin maamul madaxbanaan.

Ruushku wuxuu sheegay in aan ciidmada wali la daabulin laakiin ay noqon doonaan kuwa nabad ilaalin u jooga labada gobol oo ay kaabayeen ilaa 2014 kii.

Maraykanka wuxuu sheegay in Ruushku ciidamadiisa ugu yeero nabad-ilaalin ay tahay “war aan qabasho lahayn”, wuxuuna ku eedeeyay Ruushka in ay abuurayaan dagaal.

Wadamo kala duwan ayaa ku dhawaaqay cuna-qabatayn ka dhan ah Ruushka iyaga oo ka jawaabaya tallaabaada Ruushku qaaday.

Madaxweynaha Ukraine wuxuu sheegay in wadankiisu uusan cidna ka cabsaneynin, cidna waxyeelaynin.

Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa safiirka Maraykanka Linda Thomas-Greenfield laashay sheegashada Ruushka ee ah in ciidamadiisu yihiin nabad ilaaliyayaal. Iyada oo tiri: “dhab ahaantii waan ognhay waxay yihiin.

Aqoonsiga Ruushke ee Luhansk iyo Donetsk ayaa ka mid ahaa qorshaha Ruushku ku doonayo in uu ku qabsado Ukraine ayay tiri.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post