1062 Views

Soomaaliya oo ka qeyb-galeysa Shir Heer Caalami ah

Soomaaliya oo ka qeyb-galeysa Shir Heer Caalami ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

 

U jeedka wafdiga ay u tageen dalkaasi Switzerland ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi uga qeyb-galayaan shirka heerka caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga Adduunka.

 

Kulankan oo ah kii 70aad ayAa waxaa isugu imaan doonA dalalka xubnaha ka ah guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga Adduunka, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

 

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Switzerland waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madax ka tirsan dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiinta kale ee Shirkaasi ka qeyb-galeysa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment