1131 Views

Rooble oo hal maalin u qabtay in ay xal soo gaaraan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guulleed

Rooble oo hal maalin u qabtay in ay xal soo gaaraan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guulleed
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labadan mas’uul ka sugayay in ay soo gaaraan xal heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.

Labada mas’uul ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf la xiriira doorashada guddoonka guddiga doorashada ee gobollada Waqooyi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post