2601 Views

Dowlada Kenya oo shaacisay magacyada rag ay ku sheegtay in ay yihiin Shabaab

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 30, 2018 – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada niman ay ku sheegtay inay yihiin Al-shabaab oo qorsheynaya in ay weerar ka geystaan gudaha dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Bpooliska ayaa waxa ay ku sharaxeen raggan iyo halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, iyaga oo ku daray faah faahinta qabiilada iyo jilibka hoose ee qoyskooda.

Booliska ayaa sheegay in Ibraahim Maxamuud uu yahay hoggaamiyaha kooxda ay ka tirsan yihiin Saddexda nin, waxaana ka mid ah Shariif Kulul, C/wahaab Cusmaan Axmed, iyo Axmed Dabar.

Shariif ayay Boolisku sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayo buuraleyda gobolka Gedo oo ah halka ay qorshaha ka soo maleegayaan.

Qorshaha raggan ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu ku wajahan yahay degaanada Wajer iyo Mandhera, sida ay war-saxaafadeedka ku sheegeen.

Axmed Dacar ayaa sahan u tagay degaanadaasi si uu u soo indha indheeyo goobaha ay weerari lahaayeen oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda, wuxuuna ugu dambeyn qoraalkan ku taliyay in dadweynuhu ka feejignaadan goobaha ay tagayaan.

 

 

 

 

 

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment